Guddiga doorashada oo si kulul u beeniyay inay fasaxeen kursiga Fahad Yaasiin

Iyadoo saacadihii ugu dambeysay la hadal haayay in guddiga doorashooyinka heer federaal ay qorsheynayaan inay fasaxaan kursiga uu murunka ka taagnaa ee Hop#086, ayaa waxaa arrinkaasi si kulul u beeniyay guddoomiyihii guddigaasi Muuse Geelle Yuusuf.

Guddoomiyihii guddiga doorashada heer federaal Muuse Geelle Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa marka hore soo dhaweeyay go’aankii uu ra’iisul wasaare Rooble xalay ku kala diray guddiyadii kasoo shaqeeyay doorashooyinkii xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu guddoomiyaha sheegay inaysan jirin wax qorshe ah oo ay ku doonayeen inay dib u fasaxaan kursigaasi ee Hop#086, kahor inta uusan ra’iisul wasaare Rooble kala dirin guddiyada doorashooyinka dalka.

Kursiga lambarkiisu yahay Hop#086 ayaa waxaa hore ugu soo baxay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kadib doorasho ka dhacday magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.