C/raxmaan C/shakuur oo digniin culus kasoo saaray xaaladda abaaraha ee uu dalka marayo

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha dalka islamarkaana ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in dalka uu marayo xaalad halis ah ee dhinaca abaaraha iyo arrimaha bani-aadannimada ah.

Xil. C/raxmaan C/shakuur ayaa tan iyo markii uu madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay xilka, waxa uu ku howlanaa xog uruurin iyo kulamo wada-tashi ah uu la yeelanayay hay’adaha kala duwan ee horay ugu lug lahaa arrimaha bani-aadanimada, horumarinta iyo gurmadka abaaraha dalka.

Wuxuu Xil. C/raxmaan C/shakuur kulamo kala duwan la yeeshay madaxda wasaaradaha dalka, hay’adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya arrimaha musiibooyinka iyo gargaarka, xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho, safaaradaha, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeeddada kulamadaasi ayaa ah xog-uruurin horudhac u ah sidii wax looga qaban lahaa abaaraha baahsan ee haatan ka jira deegaano badan oo ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya, taas oo tallaabo deg deg ah u baahan.

Xil. C/raxmaan C/shakuur ayaa soo saaray natiijo hordhac ah oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto, waxaana natiijooyinka uu soo saaray ka mid ah:-

  1. 6.1 milyan oo qof oo Soomaali ah ay halis ku sugan yihiin
  2. Wacyigelin la’aan baahsan ay ka dhex jirto bulshada
  3. Gurmad iyo birmad degdeg oo loo baahan yahay
  4. Deeqaha howlaha gargaarka dalka oo aad u ugu yar baahida jirta
  5. Wadajir iyo wadashaqeyn dhanka siyaasadda ah in ay lagama maarmaan tahay.

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay, si wax looga qabto qodobada kor xusan in baaqyo kala duwan loo gudbiyo deeq-bixiyaasha caalamiga ah iyo dowladaha saaxiibka la ah dowladda Soomaaliya.

“Si wax looga qabto qodobada kore, waxaa degdeg loogu baahan yahay in baaqyo kala duwan loo gudbiyo deeq-bixiyaasha caalamiga ah iyo dowladaha Soomaaliya la saaxiibka ah, isla-markaana la fududeeyo qabashada howlaha hay’adaha kala duwan ee ka howl-gala arrimaha gargaarka, taas oo lagama maarmaaan u ah ka hortagga in abaartu ay macluul isku beddesho” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Ugu dambeyntii, Xil. C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inuu bilaabayo dhaq-dhaqaayo ballaaran oo ku aadan u kuur galida xaalada abaaraha iyo u qareemista kaalmada dhaqaale ee dibadda.

“Soomaalidu waxay tiraahdaa biyo gacmahaaga ayaa looga dhargaa, kaalmada caalamka aan ka heli karno oo waqti qaadan karta, waxaa ka dhaw in dadka Soomaaliyeed oo dhaqan soo jireen ah u leh inay is gacan qabtaan ay xilligan xasaasiga ah isku gurmadaan, marka aan innaga isku tashanno oo aan wadaagno inta aan haysanno ayay caalamka iyo dadka kalana na taakulayn karaan, ee fadlan badbaadi walaalkaa iyo walaashaa inta aan la bud-dhigin” Ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame.