Taliyaha cusub ee Hay’adda Nabad-sugidda gobolka Banaadir oo caawa la magacaabay

Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa caawa taliyaha cusub ee NISA qeybteeda gobolka Banaadir u magacaabay Muxiyadiin Warbac Shadoor.

Muxiyadiin Warbac Shadoor oo hore uga tirsanaa Hay’adda Nabad-sugidda ee NISA ayaa ah shaqsi khibrad weyn u leh dhinaca amniga dalka, isagoona hore ula soo shaqeeyay maamulkii kan ka horeeyay.

Xilka loo magacaabay Taliye Muxiyadiin Warbac Shadoor ayaa hore waxaa u haayay Yaasiin Maxamuud C/laahi (Yaasiin Fareey) oo markii dambe si KMG ah u haayay xilka Taliyaha guud ee NISA, kaas oo maalintii shalay xilka ku wareejiyay taliyaha cusub ee hay’addaasi Mahad Maxamed Salaad.

Si kastaba ha aahatee, magacaabistaan ayaa qeyb ka ah isbadalada badan uu Taliyaha Nabad-sugidda Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ku doonayo inuu hay’addaasi ku sameeyo, taas oo muddooyinkii ugu dambeysay uu jahwareer ka dhex taagnaa.