Ciidamada ammaanka oo gacanta kusoo dhigay hub iyo shaqsiyaad amni darro waday

Howlgal ay ciidamada booliska qeybta Bari ee gobolka Banaadir habeenkii xalay ka sameeyeen degmooyinka, Kaaraan, Yaaqshiid iyo Hiliwaa ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qab-qabtay waxyaabana maanka dooriya, hub iyo shaqsiyaad falal amni darro ah lagu soo eedeyay.

Ciidamada ayaa sidoo kale howlgalka ku burburiyay sandaqado lagu iibinayay waxyaabaha maanka dooriya iyo rag ku eedeysan falal amaan darro ah.

Taliyaha ciidanka booliiska qeybta Bari Cali Calosoow Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay inta uu howlgalka socday ay soo qabteen waxyaabaha maanka dooriya, hub iyo sidoo kale rag falal amaan darro ku howlanaa oo ay ku jiraan ciyaal weero.

“Howgal wadajir ah ayaa laga sameeyay qeybta Bari ee gobolka Banaadir, waxaana lagu soo qabtay xashiis, calaq, cirbado la isku durayay ee daraagiska ah iyo ciyaal weero, waxaan bulshada leenahay kasoo jawaaba waxyaabaha caqabadda idinku ah, amni darrada guriga ayay kasoo billaabataa, howlgalkana mid joogto ah ayuu noqonayaa” Sidaas waxaa yiri Gaashaanle Cali Calasow Xasan.

Si kastaba ha ahaatee, degmooyinka Kaaraan, Hiliwaa iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waxaa kusoo badanayay kooxaha dhaca iyo dhibaatooyinka kaleba u geysta dadka shacabka ah, iyadoona arrinkaasi ay qeylo dhaan kasoo yeertay.