Ra’iisul wasaare Xamse iyo C/casiis Laftagareen oo kullan gaar ah yeeshay

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa hoygiisa ku booqday ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo dhawaan codka kalsoonida ah ka helay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne C/casiis Laftagareen ayaa ugu hambalyeeyay ra’iisul wasaare Xamse inuu helay codka kalsoonida ee baarlamaanka Soomaaliya, una rajeeyay inuu ALLE la garab galo waajibaadka qaran ee lagu aaminay.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee xilligaan dalka, sida Amniga, Abaaraha iyo sidii loo adkeyn lahaa wadashaqeyn dhexmarta dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada kajira dalka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dhankiisa uga mahad celiyay madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen booqashada uu ugu yimid, isagoo ballan qaaday inuu wada-shaqeyn dhow la yeellan doono dhamaan maamul goboleedyada.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa haatan ku jira diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan soo magacaabista xubnihiisa golaha wasiirada, isagoo kulamo kala duwan la qaadanaya saamileyda siyaasadeed ee dalka.