Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo dhawaan codka kalsoonida ka helay baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Munaasabada xilka wareejinta oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay xubnaha golaha wasiirada ee xil-gaarsiinta, guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu maanta ku faraxsan yahay inuu si nabad ah xilka ugu wareejiyay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo isna goobta ka hadlay ayaa uga mahad-celiyay Mudane Rooble sida wanaagsan uu xilka ugu soo wareejiyay.

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu kusoo dhisi doonno xukuumad tayo leh, islamarkaana wax ka qabata dhibaatooyinka ka jira dalka, taas oo uu sheegay inay noqon doonto mid lagu soo xulay aqoon iyo waayo aragnimo.