Aadan Madoobe iyo C/casiis Laftagareen oo kullan ku yeeshay magaalada Muqdisho

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta kullan gaar ah magaalada Muqdisho kula yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Labada mas’uul ayaa kullankooda uga hadlay xaalada dalka iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay saamaysay abaarta ee ku nool deegaanada ku yaalla gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen ayaa kullanka ka sheegay inay muhiim tahay in gurmad deg deg ah loo sameeyo dadka ay abaarta darran ku saameeysay deegaano ka tirsan maamulkaas oo uu tilmaamay in dadka ay ugu dhimanayaan gaajo iyo haraad.

Sidoo kale, kullankaasi ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed.

Si kastaba ha ahaatee, guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda degaanada Koonfur Galbeed ee dhaliilsan sida ay hoggaanka maamulkaas wax u wadaan.