Wararkii ugu dambeeyay xaalada caafimaad ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Afhayeenka madaxyooyadda Soomaaliya C/kariin Cali Kaar oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh kadib laga waayay COVID-19, islamarkaana xaaladiisa caafimaad ay haatan tahay mid aad u wanaagsan.

Afhayeen C/kariin Cali Kaar ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu kasoo bogsaday xanuunkii COVID-19 ee haleelay, uuna wato shaqada uu qaranka u haayo, isagoo raacaya tilmaamaha caafimaad ee kahortaga xanuunka COVID-19.

“Waxaa umadda Soomaaliyeed ee raadinaysay xogta madaxweyne Xasan Sheekh la wadaagayaa in markale baaritaan caafimaad lagu sameeyay madaxweynaha, kadibne laga waayay xanuunkii COVID-19 ee dhawaan haleelay” Sidaas waxaa yiri afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya C/kariin Cali Kaar.

Dhinaca kale, wuxuu afhayeenka xaqiijiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kula hadli doono shacabka Soomaaliyeed, isagoona u mahad-celiyay dadkii usoo duceeyay madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, dhowr maalin kahor ayey aheyd markii Madaxweyne Xasan Sheekh laga helay xanuunka COVID-19, kadib markii uu kasoo laabatay safarkiisa ugu horeeyay uu ku tagay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.