Dowladda federaalka oo ka jawaabtay eedeyntii uga timid Somaliland

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeyn uga timid Somaliland ee la xiriirta inay musuq-maasuqday saamigii ay Somaliland ku laheyd tirada xujeyda ah ee sanadkaan ugu talo gashay boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar Cali Rooble oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in arrinta xajka aan la siyaasadeyn islamarkaana aan lagu qeybsan nidaamka 4.5 ama maamul gobaleed Intaba.

Wasiirka ayaa sheegay in sanadkaan ay xajka si wanaagsan u maamushay, islamarkaana loo xilsaaray guddi qeybinayay tirada ay boqortooyada Sucuudiga u qoondeysay Soomaaliya, taas oo tiro ahaan ah 5,206 qof.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa sheegay inuu la xiriiray qaar kamid ah shirkadaha, kana codsaday in ugu yaraan deegaanada Somaliland ka qaadaan illaa 800 oo qof, balse ay xukuumadda Somaliland diiday.

Si kastaba ha ahaatee, xujeyda sanadkan ka bixi lahaa deegaanada Somaliland ayaa dantu ku qasabtay inay ka baxaan magaalooyinka Garoowe iyo Jigjiga oo ka kala tirsan Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya.