Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta si rasmi ah xafiiskiisa uga shaqo bilaabay

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta oo Arbaco ah si rasmi ah uga shaqo bilaabay xafiiskiisa ku yaalla xarunta madaxtooyadda Soomaaliya, kadib markii uu shalay xilka kala wareegay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul wasaare Xamse Barre oo dhawaan codka kalsoonida ah ka helay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga sugayaa inuu haatan soo dhiso xukuumad tayo leh islamarkaana wax ka qabata dhibaatooyinka baahsan ee ka jira dalka.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi ayaa horey u ballan-qaaday inuu soo dhisi doonno xukuumad lagu soo xulay aqoon iyo waayo-aragnimo, islamarkaana uu sameeyn doono la-tashiyo kala duwan.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin badan oo ay ku jiraan wasiiro haatan xilka haya ayaa wada dadaalo xoogan oo ay ku doonayaan inay kasoo dhex muuqdaan golaha wasiirada cusub uu dhawaan soo magacaabi doonno ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa maalmaha soo socda in ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre uu kullamo gaar ah la yeesho saamileyda siyaasadeed ee dalka, ka hor inta uusan golihiisa wasiirada magacaabin.