Meydka will dhalinyaro ah oo saakay laga helay xeebta magaalada Muqdisho

Waxaa saakay xeebta Kawaan Bari oo ku yaalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho laga helay meydka wiil dhalinyaro ah oo in muddo ah la weysanaa, kaasoo ugu dambeyn ay bada soo tuftay.

Wiilkaan dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Cali C/risaaq Maxamuud ayaa sida la sheegay la waayay maalintii Talaadada ahayd, xilli uu ku dabaalanayay xeebta Liido, iyadoo maalmihii ugu dambeysay ay ehelkiisa baadi goob ugu jireen.

Ehelada marxuumka oo gaaray goobtaasi ayaa ciidamada booliska kala wareegay meydka wiilkaasi dhallinyarada ah, si ay u aastaan.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan dhalinyarada ku dabaalata xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa iyagoo aan dabaal aqoon galla badda, taasina waxay keentaa inay ku geeriyoodaan.