Baarlamaanka oo maanta ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2022-ka

Kullan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka, iyadoona 204 xildhibaan ay HAA ku ogolaatay.

Wasiirka maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle oo seddaxdii maalmood lasoo dhaafay su’aalo badań laga weydiiyay miisaaniyadda dalka ee 4-tii sano lasoo dhaafay ayaa ku adkeystay inuu usoo gudbiyey gudoonkii hore ee baarlamanka.

Guddoonka golaha ayaa u saaray guddi baaritaan ku sameeya xisaab xirkii miisaaniyadda 4-tii sano ee la soo dhaafay oo aan la horkeenin labada gole ee baarlamaanka, si loo ogaado cida leh mas’uuliyadda arrintaas.