Madaxweyne Laftagareen oo sheegay inuu dalka ku jiro gumeysi qarsoon

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafatagareen) ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munsaabadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Madaxweyne C/casiis Laftagareen ayaa khudbadiisa ka sheegay in xilligii Soomaaliya ay ka xuroobeysay gumeystihii Talyaaniga & Ingiriiska ah ahaayeen kuwo mideysan oo ay ka go’neyd inay dadka ka dambeeya xurnimo ku noolaadaan.

Wuxuu madaxweyne Laftagareen sheegay inay nasiib darro tahay in 62 sano kadib xilligaan dowladnimada Soomaaliya ay marxalad adag gashay, islamarkaana uu dalka kujiro gumeysi qarsoon oo meelo kale laga soo maleegay.

Sidoo kale, wuxuu madaxweynuhu tilmaamay in dhalinyaradda Soomaaliyeed maskaxda laga qabsaday, islamarkaana dadkooda, dowladooda iyo calankooda intaba lagu diray, iyagoo dhibaatooyin kala duwan usoo maleegaya.

Si kastaba ha ahaatae, hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen ayaa kusoo beegmaya xilli maanta Soomaaliya looga dabaal dagayo markii gobolada Koonfureed ee Soomaaliya ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga, islamarkaana ay la midoobeen gobolada waqooyi ee hadda loo yaqaan Somaliland.