Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon ee Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb-galay sanad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka ayaa ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed maalinta midnimada iyo xornimada, isagoo ugu baaqay inay ilaashadaan qaranimadooda islamarkaana xoojiyaan midnimada.

“Waxaan markale hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luulyo u diraya dhamaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. Waxaa xaqiiq ah, in si aan horey ugu dhaqaaqno ay muhiim tahay in aan gacmaha is qabsano oo qabano shaqo qaran oo adag, taas oo horseedi doonta in aan dalkeena horumarino, dunidana wax la qeybsano”. Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee daafaha caalamka sida ay u xuseen maalmaha xoriyadda iyo midnimada dalkeenna, waxa uuna kula dardaarmay inay xoojiyaan doorkooda ku aaddan dowlad dhiska dalka iyo gurmadka dadkeenna la tacaalaya xaaladaha binu-aadantinimo ee ka dhashay abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay in fadliga maalmahan barakaysan awgeed uu Alle kaga dulqaado wax kasta oo dhib ku ah, sannadkan kiisa kalena ay ku gaaraan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.