Faah-faahin:- Askari ka tirsan NISA oo si cajiib ah u toogtay nin isaga dili rabay

Askari ka tirsan ciidanka Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa habeenkii xalay agagaarka xarunta shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee degmada Baardheere ku dilay nin hubeysan oo damacsanaa inuu isaga dilo.

Sida ay wararku sheegayaan ninka hubeysan ayaa rasaas ku furay askariga iyo nin shacab ah oo la socday, waxaana rasaastaasi dhaawac kasoo gaaray askariga oo kadibne uu dhulka ku dhacay.

Ninkaasi oo u maleeyay inuu askariga dhintay ayaa isku dayay inuu askariga qoriga ka qaato, balse askarigii oo dhaawac ah ayaa rasaas madaxa kaga dhuftay ninka hubeysnaa kadibne uu ninka goobta ku dhintay.

Ciidamo ka tirsan NISA ee ku sugan degmada Baardheere ayaa soo gaaray goobta uu falkaasi ka dhacay, iyagoona kadib goobta ka qaaday askariga dhaawacmay iyo meydka ninka weerarka geystay.

Si kastaba ha ahaatee, dhowr jeer oo hore ayaa waxaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo ka dhacay dilal qorsheysan oo ay geysteen kooxaha hubeysan, iyadoona dilka xalay ka dhacay degmadaasi maanta si weyn halkaasi looga hadal haayo.