Markab shidaal oo xalay kusoo xirtay dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari

Waxaa habeenkii xalay dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari kusoo xirtay markab aad u weyn oo siday shan tan oo shidaal ah, xilli maalmihii ugu dambeysay deegaanada Puntland ay ka jirtay baahi shidaal oo aad u baahsan.

Mas’uuliyiin ka tirsan dekedda magaalada Boosaaso ayaa warbaahinta u sheegay muddo ka badan 10 maalmood inuu markabkaasi ku xayirnaa dekedda, kadib markii uu waayay meel uu ku xirto.

Qiimaha lakala siisto shidaalka ee deegaanada Puntland ayaa maalmihii ugu dambeysay sare u kacay, waxaana maanta dekadda lagu arkayaa gawaari nooca qaada shidaalka oo halkaasi shidaalka ka qaadaya.

Si kastaba ha ahaataa, maalmihii ugu dambeysay waxaa dekadda magaalada Boosaaso ka jiray mashquul aad u weyn, waxaana halkaasi laga dhoofinayay xoolo loo iib geynayay dalka dibadiisa, taas oo keentay in markabkaasi shidaal waday uu waayo meel uu ku xirto.