Danjire Tarsan oo ka hadlay xiriirka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo muddooyinkii ugu dambeysay waday dadaalo dib loogu soo celinayo xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya ayaa haatan sheegay in xiriirka ka dhaxeeya labada dal inuu yahay mid aad u wanaagsan.

Danjire Tarsan ayaa sheegay in labada dal aysan marnaba kala maarmi karin islamarkaana ay leeyihiin xiriir soo jireen ah, isagoona dhinaca kale tilmaamay in dalkaasi ay ku nool yihiin ganacsato soomaali oo si xuriyad leh halkaası uga shaqeysta.

Sidoo kale wuxuu Tarsan sheegay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya uu muhiim u yahay labada dhinac, islamarkaana aysan labaduba kala maarmi karin.

“Dowladda aan deriska nahay ee Kenya waxaan nahay labo dowladood oo aan kala maarmi karin, waxaana leenahay xuduud dheer. Dad badan oo Soomaali ah ayaa halkan uga shaqeysta si nabad oo xasillooni ah oo ay raali ka yihiin, oo dowladda Kenya iyo mas’uuliyiintooda ay ku dhiiri-geliyeen, sidaasi awgeed dadka Soomaaliyeed waxay aad ugu baahan yihiin inaan xoojino xiriirka nagala dhaxeeya Kenya” Sidaas waxaa yiri safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Ugu dambeyntii, Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay leeyihiin hal cadow oo uu ugala jeedo ururka Al-shabaab, kuwaas oo uu sheegay inay xasilooni darro ka wadaan labada dal.

“Anaga iyo Kenya waxaa naga dhaxeeya hal cadow, kaas oo ah Al-shabaab. Al-shabaab waxay dhibaato ku tahay xasilloonida, horumarka iyo deganaanshaha Kenya iyo dalkeenabaā€¯ Ayuu yiri Danjire Tarsan.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa aad u xumaa xilligii uu dalka hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, waxayna haatan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay isku dayaysaa Inay dib usoo celiso xiriirka labada dal.