Jubbaland oo si kulul uga hadashay xasuuq ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka J/hoose

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa si kulul uga hadlay xasuuq la sheegay inay ciidamada DANAB iyo kuwa maamulka ka geysteen deegaanka Quddus oo hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Madaxweyne kuxigeenka oo kullan la yeeshay xildhibaano ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay cabasho kasoo gaartay howlgal ay ciidanka DANAB iyo kuwa Jubbaland ka sameeyeen deegaanka Quddus oo qiyaastii 65km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Xildhibaanada iyo madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa isla gartay in baaris dhab ah lagu sameeyo dhacdadaan, islamarkaana warbixin laga soo saaro baarista ku aadan sidii wax uga dhaceen deegaanka Quddus.

Si kastaba ha ahaatee, dhowr maalin kahor ayey aheyd markii odayaasha dhaqanka deegaanka Quddus ay ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa DANAB ku eedeeyeen inay dhibaatooyin kala duwan ka geysteen deegaankaasi.