Mareykanka oo jawaab ka bixiyay fikirka uu ka qabo aqoonsiga Somaliland

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo ka qeyb-galay munaasabad loogu dabaal-degayey xuska xoriyadda Soomaaliya oo ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanku uu hal siyaasad ka haysto Soomaaliya, uuna aqoonsan yahay xuduudii la sameeyay xilligii xoriyadda.

“Siyaasaddeenu waa mid la mid ah 62-kii sannadood ee u dambeeyay, oo ah Soomaaliya taariikhi ah, xuduudaheeda taariikhiga ah, tan iyo markii ay isku biireen waxii loo aqoon jiray British Somaliland iyo Italian Somaliland oo ay hal dal wada dhisteen” Sidaas waxaa yiri safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in aqoonsiga madax-banaanida Somaliland ay tahay mid ku xiran wada-hadalada labada dhinac, waxa uuna xusay in Mareykanka uu wax ka bedeli doonno siyaasadiisa dalka Soomaaliya oo hal ah hadii labada dhinac ay ku heshiiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi booqasho uu ku tagay dalka Mareykanka kaga codsaday dowladdaasi inay Somaliland u aqoonsato dal ka madax banaan Soomaaliya.