Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo warqad ogolaansho ah maanta siiyay labo Banki oo caałami ah

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay maanta warqadda ogolaanshiyaha siiyay labo Banki oo caalami ah oo laga leeyahay dalalka Masar iyo Turkiga.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka bankiga dhexe ee Soomaaliya ayay ku sheegeen in labada Banki ee Banque Misr iyo Ziraat Katilim ay mareen hanaan qoto dheer oo socday bilo oo codsigooda lagu eegayey.

“Guddiga maamulka bankiga dhexe wuxuu go’aamiyey in labada Banki ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee shatiyadda, waxaana la ansixiyey codsiyadooda ah inay ka howlgali karaan Soomaaliya” Sidaas waxaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dhinaca kale, guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in maanta warqadda ogolaanshiyaha siiyaan labo Banki oo caalami ah, si ay dalka uga shaqeeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, labadaan banki ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay oo ajaaniib leedahay oo dalka ka howlgala, waxaana la filayaa in labadan banki ay wax badan kusoo kordhiyaan hannaanka maaliyadda ee dalka.