Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u amba-baxay dalka Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u amba-baxay dalka Turkiga, kadib marti-qaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi Recep Tayyip Erdogan. 

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Turkiga oo la sheegay inuu qaadan doonno muddo seddax maalmood ah ayaa la filayaa inuu halkaasi kullan kula yeesho dhiggiisa dalkaasi Recep Tayyip Erdogan, iyagoona ka wada hali doonno arrimo quseeya labada dal.

Waa safarkii labaad uu madaxweyne Xasan Sheekh dalka kaga dhoofo tan iyo markii xilka loo doortay 15-kii bishii MAY ee sanadkaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkii kan ka horeeyay ku tagay dalka Imaaraadka Carabta oo uu marti-qaad ka helay dhiggiisa dalkaas Sheekh Maxamed Binu Zayed.