Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta xilal kala duwan magacaabay

Wareegto maanta kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiskiisa, La-taliyeyaashiisa, afhayeenkiisa iyo xilal kale oo kala duwan.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa xoghayaha joogtada ah ee xafiiskiisa u magacaabay Maxamed Abuukar Zubeyr, isagoona u mahad-celiyay xoghayihii hore ee xafiiska Maxamed Ibraahim Nuur.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamse ayaa afhayeenkiisa iyo agaasimaha warbaahinta u magacaabay Farxaan Maxamed Jimcaale oo ah wariye ka tirsan idaacadda BBC-da.

Hoos ka aqriso xilalka uu maanta magacaabay ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

1- Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha – Maxamed Abuukar Zubeyr

2- La-taliyiha arrimaha dib u heshiisiinta – Cali Cabdi Awaare

3- La-taliyaha amniga ra’iisul wasaaraha – Kamaal Guutaale

4- La-taliyaha xiriirka caalamiga- Dr. Hodan Cismaan

5- La-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda iyo iskuduwaha barnaamijyada – Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi

6- Afhayeenka ra’iisul wasaaraha ahna aggaasimaha warbaahinta iyo xiriirka caalamiga – Farxaan Maxamed Jimcaale.

7- Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda – Haashim Maxamed Cali

8- Agaamisaha hab-maamuuska xafiiska ra’iisul wasaaraha – C/laahi Shariif Cabdi