SAWIRO:- Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray dalka Turkiga, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa dalka Turkiga kusoo dhaweeyay wasiirka waxbarashada Turkiga Mahmut Ozer, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Jaamac C/laahi Caydiid iyo sidoo kale qaar ka mid ah diblomaasiyiinta shisheeye ee ku sugan dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu kullan la yeesho dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, iyagoona kawada hadli doonno arrimo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, ganacsiga, amniga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada dhinac.