Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilliyada soo socdo la kulmi doonno dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe shalay gaaray dalka Turkiga ayaa lagu wadaa in xilliyada soo socdo inuu kullan la yeesho dhiggiisa dalkaasi Recep Tayyip Erdogan.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaadan doonno muddo seddax maalmood ah ayaa casuummad rasmi ah ka helay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxayna labada dhinac kawada hadli doonnaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, amniga, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada dhinac.

Waa safarkii labaad uu madaxweyne Xasan Sheekh dalka kaga dhoofo tan iyo markii xilka loo doortay 15-ka bisha MAY ee sanadkaan, kadib doorasho ka dhacday xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale la filayaa inuu dalka Turkiga kula kulmo jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan, si uu uga xog-wareysto xaaladdooda guud iyo horumarada ay dalkaasi ka sameeyeen.