Howlgal culus oo ka bilawday deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Hirshabelle ay howlgalo culus ka bilaabeen deegaano ku yaalla duuleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Howlgaladaasi oo ay horkacayaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiisha ciidanka xoogga ayaa yimid kadib markii dhawaan weerar lagu qaaday kolonyo uu hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, oo lagu weeraray inta u dhaxeeysa degmada Matabaan iyo deegaanka Qabno.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa hore u sheegay inay howlgalladaasi ay sii wadi doonaan illaa iyo inta ay Al-shabaab ka saarayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Si kastaba ha ahaatee, degmada Matabaan iyo deegaanada kale ee ku dhow ayaa waxaa dhowr jeer oo hore la wareegay dagaalyahano katirsan Al-shabaab, inkastoo markii dambe dib looga saaray.