Golaha wakiilada Puntland oo diiday inay ansixiyaan golaha maxkamadda sare

Golaha wakiilada maamulka Puntland oo maanta kullan aan caadi aheyn ku yeeshay xaruntooda ku taalla magaalada Garoowe ayaa diiday inay ansixiyaan golaha maxkamadda sare ee Puntland uu dhawaan soo magacaabay madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan maxkamadda sare ee Puntland usoo magacaabay illaa 5 xubnood oo ay ku jiraan guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa iyo sidoo kale 6 xubnood oo kayd garsoorayaal ah.

Xubnahaasi ayaa codka kalsoonida ee baarlamaanka Punland ku heli kara oo kaliya inay helaan ugu yaraan 34 xildhibaan oo ogolaata.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland C/samad Maxamed Abwaan oo shir guddoominayay kullankaasi ayaa waxaa soo xaadirtay 43 xildhibaan, waxaana ogolaatay 23 xildhibaan, 11 ayaa diidey halka ay 9 kale ay ka aamuseen.

Xubnihii u magacawnaa golaha maxkmadda sare ee Puntland ayaa sidaas ku waayay kalsoonidii iyo ansixintii golaha wakiilada Puntland, waxaana dhawaan la filayaa in madaxweyne Saciid C/laahi Deni uu xubnahaasi isbedel ku sameeyo.