Wafdi uu hoggaaminayo C/raxmaan C/shakuur oo maanta gaaray degmada Baardheere

Wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha dalka Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maanta gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Mas’uuliyiin ka socota dowladda Qatar oo qeyb ka ah wafdiga Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa u kuur geli doonna xaaladda dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmada Baardheere, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeysay halkaasi kusoo barakacayay.

Wafdiga Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa sidoo kale kullamo kala duwan la yeelan doonno mas’uuliyiinta maamulka degmada Baardheere iyo qeybaha kala duwan ee bulshada halkaasi ku dhaqan.

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay Ergeyga gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha dalka ayaa tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay waxa uu bilaabay safaro kala duwan oo uu ugu kuur-galayo xaaladda dadka ku sugan gobolada dalka oo ay abaaruhu saameeyeen.