Madaxweyne Deni oo markale soo magacaabay golaha maxkamadda sare ee la diiday

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayuu markale kusoo magacaabay golaha maxkamadda sare ee Puntland, kadib markii xubnaha golaha wakiilada ay maanta diideen inay ansixiyaan xubnihii golaha maxkamadda sare loo magacaabay.

Wareegtada uu soo saaray madaxweyne Deni ayaa u qorneyd sidaan:-

MADAXWEYNAHA OO DIB U MAGACAABAY MAXKAMADDA SARE EE DOWLADDA PUNTLAND

Garoowe: 04 July 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

  1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

Waxaa kale oo la magacaabay

B. Keydka

1. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin

2. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin

T. Xubno Guddi

1. Daahir Maxamed Nuur

2. Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.