Ciidamada NISA oo howlgal ka sameeyay degmooyin ka tirsan Muqdisho

Ciidamada Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay howlgallo culus ka sameeyay degmooyinka H/wadaag, Wardhiigley, Yaaqshiid iyo Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Howlgalladaan ayaa yimid kadib markii shacabka ku dhaqan degmooyinkaasi ay cabasho ka keeneen kooxo burcad ah oo xiliyadda habeenkii ah dhac u geysta.

Muxudiin Warbac Shadoor oo ah taliyaha Nabad-sugidda gobalka Banaadir ayaa sheegay inuu la kulmay qaar ka mid ah dadkii ka cabanayay kooxaha burcada ah ee dhaca u gaystay, wuxuuna sheegay in ciidamada ay bilaabeen howlgalada islamarkaana ay gacanta kusoo dhigi doonaan qof kasta oo qal-qal galiya amniga magaalada Muqdisho.

Ciidamadaasi Nabad-sugidda ayaa intii ay howlgaladu wadeen waxay kusoo qab-qabteen kooxo watay mindiyo, iyagoona u gudbiyay ciidamada booliska, si baaritaano loogu sameeyo.

Si kastaba ha ahaatee, muddooyinkii ugu dambeysay waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay kooxo burcad ah oo dhac u geysanaya dadka shacabka ah iyo sidoo kale ciyaal weero oo qal-qal geliyay amaanka degmooyinka gobolka Banaadir.