Madaxweyne Cali Guudlaawe oo kullan la yeeshay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wafdi ay hoggaaminaysay ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho oo maanta gaaray magaalada Jowhar ayaa halkaasi kullan kula yeeshay madaxweynaha maamulka Hishabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Xuseen Guudlaawe ayaa wafdiga ay hoggaaminaysay Anita Kiki ku qaabilay xarunta madaxtooyadda maamulka, wuxuuna kullankaasi ahaa mid is-xog-wareysi ah oo ku saabsan arrimaha bini’aadanimada, amniga iyo mida horumarineed ee deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Xuseen Guudlaawe ayaa madaxda wafdigaasi kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha adag ee ka dhashay abaaraha baahsan ee sababay biyo la’aan, cunto la’aan, barakac iyo dhimasho ku timid dadka iyo xoolahaba.

Sidoo kale, madaxda wafdiga Qaramada Midoobey ayaa magaalada Jowhar kullan kula yeeshay qaar kamid ah madaxda wasaaradaha ee maamulka Hirshabelle, ururada bulshada, dhallinyarada, odayaasha dhaqanka iyo haweenka halkaasi ku sugan.