Macalin jaamacadeed oo maanta lagu dilay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa maanta suuq yaraha degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ku dishay Cismaan Axmed Macow oo ka mid ahaa macalimiinta wax ka dhigta Jaamacada Horseed.

Allaha u naxariistee Cismaan Axmed Macow ayaa la dilay kadib markii uu muran soo kala dhex-galay kooxaha burcada ah ee dilka u geystay, iyagoona kadib ka qaatay moobil iyo agab kale uu watay.

Kooxda dilka geystay ayaa la sheegayaa inay goobta ka baxsadeen, waxaana markii dambe halkaasi soo gaaray qaar ka mid ah eheledda marxuumka iyo ciidamada ammaanka oo goobta ka qaaday meydka marxuumka.

Waxaa muddooyinkii ugu dambeysay magaalada Muqdisho kusoo badanayay dilalka iyo dhaca loo geysanayo dadka shacabka ah, iyadoona illaa iyo haatan aan la garanaynin sababta arrintaasi ka dambeysa.

Dhinaca kale, taliska laamaha amniga ayaa ku dhawaaqay inay guud ahaan magaalada Muqdisho ka bilaabeen howlgal ka dhan ah kooxaha burcada ah iyo ciyaalka weerada geysta, kuwaas oo qal-qal gelinaya amniga degmooyinka gobolka Banaadir.