C/raxmaan Beyle oo maanta hortagay xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ee dhawaan xilka ka degaya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta hortagay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, isagoona uga warbixiyay arrimaha miisaaniyadda dalka.

Wasiirka oo ka warbixiyay arrimaha miisaaniyadda dalka ayaa sheegay in sanadkii hore ay wasaaradiisu sameysay xisaab xir, balse qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa arrinkaasi su’aalo ka keenay.

Xildhibaanadaasi ayaa wasiirka weydiiyay xisaab xirka laga rabay wasaaradiisa miisaaniyadda dalka laga soo bilaabo sanadkii 2018-kii illaa 2021.

Wasiir Beyle oo su’aashaasi ka jawaabaya ayaa yiri:

“Dhammaan xisaab xeradii xilligaasi wey yaalaan, waxaana haysta baarlamaankii 10aad oo meel mariyay, waxayna diyaar u yihiin in hadii loo baahdo markale golaha horkeenaan oo shaqadooda ka gutaan”

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa dhankeeda ku celisay inuu wasiirka soo bandhigo cidda u ansixisay miisaaniyadda 2018, 2019, 2020, 2021, hase yeeshee uusan ka jawaabin.

Ugu dambeyntii, gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa isna sheegay inaysan jirin miisaaniyad meel ay ku ansixiyeen 5-tii sano ee la soo dhaafay iyo meel ay xisaab xer ku ansixiyeen, balse uusan ogeyn hadii wasiirka uu golaha shacabka horgeeyay.