Askari hore uga tirsanaa booliska Minneapolis oo xabsiga laga sii daayay

Askari hore oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya kana tirsanaa ciidanka booliska Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa xabsiga laga sii daayay, kadib markii uu muddo seddax sano ah xabsiga kusoo qaatay, sida lagu sheegay diiwaannada Waaxda Asluubta ee Minnesota.

Maxamed Nuur oo 36 jir ah ayaa 15-ka bishii July ee sanadkii 2017 toogtay haweenay aan hubaysnayn oo lagu magacaabi jiray Justine Ruszczyk.

Maxamed Nuur ayaa haweeneydaasi toogtay xilli ay dooneysay inay booliska uga warbixiso suurto-galnimada weerar galmo ah oo ka dhacay meel u dhaw gurigeeda.

Kiiskaan ayaa caro ka dhaliyay Mareykanka iyo Ruszczyk oo u dhalatay dalka Australiya, waxayna keentay inuu xilka iska casilo taliyihii booliiska ee magaalada.

Maxamed Nuur ayaa markii hore xeer-beegtida ku xukuntay 12½ sano oo xabsi ah, balse maxkamadda sare ee Minnesota ayaa sheegtay inaanay jirin caddayn ku fillan oo lagu sii wadi karo, waxaana lagu xukumay 4 sano iyo 9 bilood oo xarig ah oo lagu soo oogay eedeymo dil ah.

Source:- CNN