Afhayeenka madaxtooyadda oo ka hadlay xaaladda caafimaad ee madaxweyne Xasan Sheekh

Afhayeenka madaxyooyadda Soomaaliya C/kariin Cali Kaar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee madaxweyne Xasan Sheekh ay haatan tahay mid aad u wanaagsan, islamarkaana uu howlihiisa shaqo si wanaagsan u wato.

Afhayeenka ayaa sheegay in maalinta berrito madaxweyne Xasan Sheekh uu markale mari doonno baaritaan caafimaad, si loo hubiyo xaaladiisa caafimaad, maadaama muddo dhowr maalmood kahor laga helay feyraska cudurka COVID-19.

“Aad ayay u wanaagsan tahay xaaladda caafimaad ee madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu si caadi ah u wataa howlihiisa shaqo, wuxuu madaxweynuhu berri mari doonnaa baaritaan caafimaad, si markale loo hubiyo xaaladiisa caafimaad, maadaama muddo dhowr maalmood kahor laga helay feyraska cudurka COVID-19” Sidaas waxaa yiri afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya C/kariin Cali Kaar.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhawaan safar ku tagay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxaa laga helay feyraska cudurka COVID-19, waxaana tan iyo markaasi uu isku karantiilay gudaha madaxtooyadda, isagoo raacaya tallooyinka iyo habraaca caafimaad oo ay bahda caafimaadka u dejiyeen qofkii laga helo feyraska cudurka COVID-19.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya C/kariin Cali Kaar ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii ugu dambeysay la hadal haayay in xaaladda caafimaad ee madaxweyne Xasan Sheekh ay aad u liidato, iyadoona arrinkaasi uu haatan meesha ka baxayo.