Cumar Filish oo mamnuucay banaanbax looga soo horjeedo madaxweyne Farmaajo

Kullan aan caadi aheyn islamarkaana uu shir guddoominayay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka dhacay caasimadda Muqdisho, iyadoona ay kullankaasi ay kasoo qeyb-galeen guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo saraakiisha laamaha amniga ee qeybta guud gobolka Banaadir.

Kullankaasi ayaa sida la sheegay looga hadlay xaaladaha guud ee dalka, gaar ahaan caasimada magaalada Muqdisho, iyadoona duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish uu ka qeyb-galayaasha kullankaasi warbixin kasiiyay waxyaabihii kasoo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in xilligaan magaalada Muqdisho aysan marnaba xamili karin culeysyo hor leh, iyadoona aan la aqbali doonin in caasimada ay ka dhacaan banaanbaxyo uusan la socon maamulka gobolka Banaadir, isagoona bulshada ku nool magaalada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabad-gelyada iyo amniga caasimadda.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii ugu dambeyay la hadal haayay in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya maalinta khamiista ah lagu qaban doono bannaanbaxyo nabadeed, kaas oo looga soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.