Saciid Deni oo kullan aan caadi ahayn la yeeshay boqor Buurmadow

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa habeenkii xalay kullan aan caadi ahayn magaalada Muqdisho kula yeeshay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed (Buurmadow).

Madaxweyne Deni ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed (Buurmadow), iyagoona iska wareeystay xaaladihii ugu dambeeyay ee kusoo kordhay arrimaha doorashooyinka dalka iyo dagaaladii ka dhacay magaalada Boosaaso.

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed (Buurmadow) ayaa uga mahad-celiyey madaxweyne Deni qaabilaadda uu qaabilay, isagoona u rajeeyay Puntland iyo Soomaaliya inay ku noolaadaan nabad waarta iyo horumar wanaagsan.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Deni ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay Boqor Buurmadoow booqashada uu ugu yimid, isagoona sheegay in kullankaasi uusan noqon doonin midkii ugu dambeeyay balse uu noqon doonno mid joogto ah.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni oo maalmihii ugu dambeysay magaalada Muqdisho u joogay ka qeyb galka shirkii golaha wadatshiga Qaran ayaa markii uu soo gaba-gaboobay kullamo kala duwan halkaasi kula yeeshay madax ka socota beesha caalamka.