Faah-faahin:- Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa faah-faahin dheeraad ah laga helayaa qarax xooggan oo si aad ah looga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay wadada 21-ka October ee degmada Waaberi, kaasoo sida la sheegay lagu dhuftay gaari ay saarnaayeen saraakiil katirsan xafiiska Qaramada Midoobay.

Inta la xaqiijiyay illaa 5 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa ku geeriyootay, iyadoona 5 kale oo shacab ah ay ku dhaawacantay.

Gudoomiye ku-xigeenka amniga gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa u xaqiijiyay qasaaraha ka dhashay qaraxaasi, isagoona sidoo kale sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayay uu ku sugnaa meel aan sidaasi uga fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay.

Dhinaca kale, guddoomiye Cali Yare ayaa tilmaamay in laamaha amniga ay haatan wadaan baaritaano kala duran oo ku aadan qaraxaasi ka dhacay Muqdisho, islamarkaana wixii natiijo oo soo baxda ay la wadaagi doonaan dadka shacabka ah.

Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe Insha Allah