Guddoomiyihii guddiga doorashada Galmudug oo xil ka qaadis lagu sameeyay

Guddoomiyihii guddiga hirgelinta doorashada maamulka Galmudug (SEIT) Maxamed Daahir Guuleed ayaa xilka qaadis lagu sameeyay, kadib markii maanta ay kullan yeesheen xubnaha guddigaas.

Xubnaha guddiga doorashada Galmudug ayaa cod gacan taag ah xilkii uga qaaday guddoomiye Maxamed Daahir Guuleed oo in muddo ah xilkaas haayey, iyagoona islamarkiiba doortay guddoomiye cusub.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha guddiga ay guddoomiyaha cusub ee guddigaas u doorteen inuu noqdo Maxamed Qaasim Maxamuud oo horey u ahaa xoghayaha guddiga.

Dhinaca kale, guddiga hirgelinta doorashada maamulka Galmudug (SEIT) ayaa shaaciyay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dardar-gelin doonaan doorashada golaha shacabka baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya, iyadoo la raacayo heshiiskii ay gaareen madaxda golaha wadatashiga Qaran.

Hoos ka aqriso qoraalka guddiga hirgelinta doorashada Galmudug