DEG DEG:- Wareega koowaad ee doorashada oo soo gaba-gabowday iyo cidda kusoo baxay

Waxaa goordhow soo gaba-gaboobay wareega koowaad ee doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku tartamayeen illaa 36 musharax.

Doorashada oo haatan si toos ah weli uga socoto Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo xaadirtay illaa 329 xildhibaan, waxaana lasoo gaba-gabeeyay wareega koowaad.

Xildhibaanada codeysay oo gaaraya illaa 328 mudane ayaa ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana haatan wareega labaad u gudbi doonna 4-ta musharax ee ugu tirada badan.

Codadka ay kala heleen musharixiinta u tartamaysay doorashada ee wareega koowaad ayaa kala ah:-

1: Saciid C/laahi Maxamed (Deni)- 65 cod

2: Maxamed C/laahi Farmaajo – 59 cod ayaa la shaaciyay balse tirada saxda ah waa 61

3: Xasan Sheekh Maxamuud – 52 cod

4: Xasan Cali Kheyre- 47 cod

5: Sheekh Shariif Sheekh Axmed – 39 cod

6: C/raxmaan C/shakuur Warsame – 15 cod

7: C/qaadir Cosoble Cali – 12 cod

8: C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees) – 8 cod

9: Bashir Xaaji Cabdi – 2 cod

10: C/nuur Sheekh Maxamed Maxamuud – 2 cod

11: C/raxmaan Macalin Axmed Maxamed (Ablaal) – 2 cod

12: Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)-1 cod

13: Thaabit Cabdi Maxamed- 1 cod

14: Saciid Ciise Maxamuud – 1 cod

15: Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan – 1 cod

16: Maxamed C/raxmaan Cali – 1 cod

17: Jamaal Axmed Ibraahim (Tifoow)

18: Maxamuud Daahir Aweys

19: Xuseen Cabdi Nuunow

20: Mukhtaar Maxamed Sayid

21: Ridwan Xersi Maxamed

22: Maxamed Amiin Faarax

23: Nucmaan Sheek Cumar Cismaan

24: Cusmaan Xasan Weheliye

25: Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

26: Cabdi Aadan Hoosow

27: Cabdi Cali Xassan

28: Cabdi Maxamed Kuusow

29: C/naasir Cabdulle Maxamed

30: Mahad Axmed Diiriye

31: C/raxman Maxamed Cabdi Xaashi

32: C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn)

33: C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi)

34: C/laahi Cali Xasan

35: Abuukar Aadan Cabdulle

36: Cumar C/qaadir Axmed Fiqi

Waxaa wareegga koowaad codad badan helay islamarkaana u gudbaya wareega labaad, murashaxiinta kala ah:-

1: Saciid C/laahi Maxamed (Deni)- 65 cod

2: Maxamed C/laahi Farmaajo – 59 cod ayaa la shaaciyay balse tirada saxda ah waa 61

3: Xasan Sheekh Maxamuud – 52 cod

4: Xasan Cali Kheyre – 47 cod

Waxaa hadda socota tirinta codadka doorashada, waxaana xumaatay 21 cod

Wixii kusoo kordha kala soco halkaan “Insha Allah”