
Waxaa goordhaw soo gaba-gaboobay wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku tartamayeen illaa 4 musharax.
Doorashada oo ah mid aad xamaasad u leh ayaa waxay si toos ah uga socotaa Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxaa xildhibaanada goobtaasi soo xaadirtay ay gaarayaan illaa 329 xildhibaan.
Xildhibaanada codeysay oo gaaraya illaa 329 mudane ayaa waxay ka kala tirsan yihiin labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana haatan wareega seddaxaad u gudbi doonno labada musharax ee ugu codka badan.
Codadka ay kala heleen musharixiinta wareega labaad ku tartamaysay ayaa kala ah:-
1: Xasan Sheekh Maxamuud – 110 cod
2: Maxamed C/laahi Farmaajo – 83 cod
3: Saciid C/laahi Maxamed (Deni)- 68 cod
4: Xasan Cali Kheyre- 63 cod
Waxaa xumaatay 5 cod
Waxaa wareega labaad ku haray labada musharax ee kala ah:-
Saciid C/laahi Maxamed Deni iyo Xasan Cali Kheyre
Musharixiinta u gudbi doonno wareegga seddaxaad ee ugu dambeeya ayaa kala ah:-
1: Xasan Sheekh Maxamuud
2: Maxamed C/laahi Farmaajo
Waxaa weli socota tirinta codadka musharixiinta, waxaana la sugi doonnaa guddoonka baarlamaanka oo ku dhawaaqo natiijadda kama dambeyska ah.
Wixii kusoo kordha kala soco halkaan “Insha Allah”