DEG DEG:- Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo usoo gudbay wareega ugu dambeeya ee doorashada

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa goordhaw ku dhawaaqay natiijadda kama dambeyska ah ee wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku tartamayeen illaa 4 musharax.

Guddoomiyaha ayaa shaaciyay natiijada ay kala heleen musharixiinta, wuxuuna sheegay in wareega seddaxaad ay u gudbi doonaan labada musharax ee ugu codadka badan oo kala ah:-

1: Xasan Sheekh Maxamuud – 110 cod

2: Maxamed C/laahi Farmaajo – 83 cod

Musharax Saciid C/laahi Maxamed (Deni) oo isna helay 68 cod ayaa ka haray tartanka doorashada, halka Xasan Cali Kheyre uu isna helay 63 cod, taas oo ka dhigan in labadooda aysan u gudbin wareega seddaxaad.

Dhinaca kale, doorashada ayaa ah mid aad u xamaasad badan, waxaa wareega u dambeeya ee seddaxaad u gudbi doonno Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed C/laahi Farmaajo.

Xildhibaanada codeyn doonta ayaa gaaraya illaa 329 oo ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana haatan la gudde geli doonnaa wareega seddaxaad ee doorashada.

Wixii kusoo kordha kala soco halkaan “Insha Allah”