DEG DEG:- Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay xilka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya

Waxaa goordhaw soo idlaaday wareegii ugu dambeeyay ee doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku tartamayeen labada musharax ee isku soo haray wareegii ugu dambeeyay ee doorashada.

Doorashada oo haatan soo idlaatay ayaa ahayd mid aad u xamaasad leh, iyadoona xildhibaanada codeysay tiro ahaan ay gaarayaan illaa 327 xildhibaan oo ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqday musharixii ay guusha raacday, wuxuuna noqon doonnaa madaxweynaha 10-aad ee dalka hoggaamin doonna afarta sano ee soo socota.

Codadka labada musharax ay kala heleen ayaa kala ah:-

1: Xasan Sheekh Maxamuud – 214 cod

2: Maxamed C/laahi Farmaajo – 110 cod

Waxaa xumaatay 3 cod

Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo goordhaw shaaciyay natiijadda doorashada ayaa sheegay in labada musharax ay kala heleen codadka 214 iyo 110, sidaas awgeed uu Xasan Sheekh Maxamuud codadka badan helay islamarkaana uu ku yahay madaxweynaha sida sharciga loo doortay ee dalka hoggaamin donna afarta sano ee soo socoto.

Wixii kusoo kordha kala soco halkaan “Insha Allah”