Ra’iisul wasaare Rooble oo hambalyo culus u diray madaxweynaha cusub ee la doortay

Ra’iisul wasaaraha KMG ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeeyay Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay saqdii dhexe loo doortay madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  .

“Waxaan hambalyo iyo boggaadin u dirayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waa mas’uul hore usoo shaqeeyay, wuxuuna ku yimid isbedel dalka ka dhacay, waxaan u rajeynaya inuu dalka ku hoggaamiyo hannaan wax ka tara xaqiijinta amniga dalka, horumarinta dhaqaalaha, soo celinta kalsoonidii iyo xasilloonidii siyaasadeed ee dhaawacantay, kordhinta adeegyada bulshada, hagaajinta xiriirka dibadeed ee dalka, qabyo-tirka dastuurka, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo arrimaha kale ee hortebinta u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed” Sidaas ayuu yiri Rooble.

Dhinaca kale, RW Rooble ayaa umahad celiyay xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoona sidoo kale dhalinyaradda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in lala shaqeeyo madaxweynaha cusub ee la doortay.

“Maanta oo ku astaysan 15-ka May, Maalinta dhallinyarada iyo gobonimo doonka Soomaaliyeed, waxaan guushan taariikhiga ah ugu hambalyeynayaa dhallinyarada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo aan ka codsanayo inay garab iyo gaashaan u noqdaan madaxweynaha la doortay si uu ugu guuleysto waajibaadka waaweyn ee hor yaalla” Sidaas waxaa yiri RW Rooble.