Saciid C/laahi Deni oo guul-daradiisa kadib ka hadlay guushii madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni oo ka mid ahaa musharixiinta ku tartamaysay xilka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya ayaa guul-daradiisa kadib u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan u hambalyeeynaya madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waa mas’uul hore usoo shaqeeyay, wuxuuna ku yimid isbedel dalka ka dhacay, waxaan u rajeeynaya in xilka loo doortay uu Alle u fududeeyo” Sidaasi waxaa yiri Saciid Deni.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri

“Waxaan u mahadcelinaya xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, intii codka isiisay iyo intaan isiin, Guddoonka golaha shacabka, Guddiga doorashadda madaxweynaha, labada heer ee guddiyadii doorashada xildhibaanada kasoo shaqeeyay, ciidamada amniga sugayey iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dadaal dheeraad ah ku bixiyay in doorasho ay dalka ka dhacdo”

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa ka mid ahaa musharixiinta ku tartamaysay islamarkaana guuldarro kala soo Monday doorashada xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoona ku haray wareegga labaad ee doorashada.