Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali oo ka hadlay doorashada ka dhacday Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa ka hadlay doorashada ka dhacday Soomaaliya, isagoona hambalyo u diray madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad xilka dib loogu doortay.

Qoraal uu Abiy Axmed Cali soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu ugu hambalyeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markale loo doortay xilka madaxtinimo, isagoona sheegay inuu rajeeynayo inuu la yeesho wada-shaqeyn dhow oo ku saabsan arrimaha labada dhinac iyo kan gobolkaba.

“Waxaan jeclahay Inaa halkaan hambalyo ugu dirro madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo markale dib loogu soo doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana rajeeynayaa inaa wada-shaqeyn dhow ka yeelanoo arrimaha labada dhinac iyo kan gobolkaba” Ayuu qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaare Abiy Axmed Cali

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaaraha dalka Itooboya Abiy Axmed Cali ayaa lagu tiriyaa shaqsiyaadka sida aadka ah ugu dhawaa madaxweynaha Soomaaliya ee xilkiisa dhamaaday Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaana labadaasi mas’uul ka dhaxeeysay wada-shaqeyn aad u ballaaran.