Duulimaadyada ka jiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho oo maanta dib loo bilaabay

Waxaa maanta oo Isniin ah dib loo fasaxay duulimaadyadii ka jiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo idlaatay doorashadii madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Duulimaadyada ka jiray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa muddo ku dhaw 48 saacadood hakad la geliyay, kadib markii taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ay xaalad bandow ah kusoo rogeen guud ahaan magaalada Muqdisho.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho C/naasir Maxamed Gureey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhammaan duulimaadyadii ka jiray garoonka uu si caadi ah kusoo noqday, islamarkaana ay shaqada haatan socoto.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa Bandow socday muddo ka badan 30-saacadood kusoo rogay guud ahaan magaalada Muqdisho, iyadoona bandowgaasi uu qeyb ka ahaa hakinta duulimaadyada ka jiray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Dhinaca kale, waxaa maanta dib u furmay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee ka jiray magaalada Muqdisho, inkastoo shacab farabadan ay habeenkii xalay isku soo baxeen waddooyinka magaalada kadib guushii madaxweynaha la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, xilli lagu guddo jiray saacadaha bandowga.

Si kastaba ha ahaatee, jawiga magaalada Muqdisho ayaa maanta ah mid degan, waxaana si caadi ah loo wada furay xarumiha ganacsiga iyo waddooyinka oo xirnaa muddo ka badan 30 saac.