SAWIRO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo kullan la yeeshay taliyeyaasha Militeriga iyo Booliska dalka

Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa kullan la yeeshay Taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage iyo kan ciidanka booliska S/G Cabdi Xasan Xijaar.

Kullankaasi oo muddo kooban socday ayuu madaxweyne Xasan Sheekh labada taliye kaga dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda amniga guud ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook-ga waxa uu kaga warbixiyay waxyaabiyihii ay ka wada hadleen iyo tallooyinka uu siiyay.

“Waxaan kullan la qaatay taliyeyaasha Xoogga iyo Booliska Soomaaliyeed, waxaan ka dhageystay warbixinta guud ee amniga dalka iyo qorshayaasha hortebinta leh xilliga kala guurka. Amniga waa muhiimmadda koowaad ee dowladda”. Ayuu madaxweyne Xasan Sheekh qoraalkiisa ku yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii xalay dib loogu doortay xilka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, waxa uu magaalada Muqdisho ka bilaabay kullamo kala duman uu la yeelanayo madaxda iyo hay’adaha dowliga ee dalka.