Faah-faahin:- Qarax ka dhacay goob maqaaxi oo ku taalla degmada Balcad

Waxaa faah-faahin dheeraad ah laga helayaa Bam-gacmeed maanta lagu weeraray goob maqaaxi ah oo ku taalla degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe, xilli halkaasi ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Illaa 3 qof oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan maamulka degmada Balcad ayaa la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku dhaawacantay, waxaana la sheegayaa in goobta uu qaraxa ka dhacay ay ku taallo kasoo horjeedka xarunta maamulka degmada Balcad.

Qaraxa kadib, waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray ciidamada amniga degmada Balcad, iyagoona halkaasi ka billaabay baaritaano ku aadan cidda qaraxaasi ka dambeysay, inkastoo qofkii Bam-ka tuuray uu goobta isaga cararay.

Dhinaca kale, taliyaha saldhigga booliska ee degmada Balcad Xuseen Macallin Cabdulle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah ay ka mid ah yihiin guddoomiyaha maxkamadda Balcad, guddomiyaha tuulada Mareerey iyo mid ka mid ah nabadoonnada Hirshabelle.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeysay dhowr qarax iyo weeraro kala duman ka geystay deegaanada ku yaalla gobolka Sh/Dhexe, waxayna inta badan weeraradaasi geystaan qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.