Ciidamada ATMIS iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo dib ula wareegay deegaanka Ceel-baraf

Wararka ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya inay deegaankaasi ay haatan dib ula wareegeen ciidamada midowga Afrika ee ATMIS oo garabsanaya kuwo dowladda federaalka Soomaaliya.

Deegaanka Ceel-baraf oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa muddo labo todobaad ah waxaa gacanta ku haayay dagaalyahanadda Al-shabaab oo halkaasi markii hore dagaal kula wareegay.

Ciidamada ATMIS iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa inta aysan dib ula wareegin deegaanka Ceel-baraf, waxay weerar madaafiic ah ku qaadeen deegaankaasi, taas oo keentay in dagaalyahanadda Al-shabaab ay halkaasi isaga cararaan.

Si kastaba ha ahatee, xaaladda deegaanka Ceel-baraf ayaa haatan ah mid degan, waxaana waddooyinka deegaankaasi haatan lagu arkaysa ciidamada ATMIS iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan.