XOG RASMI AH:- Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo maanta kullan albaabada u xiran yeeshay

Xog aynu ka helnay xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaysa in halkaasi ay kullan albaabada u xiran ku yeesheen madaxweynaha xilkiisa dhamaaday Maxamed C/laahi Farmaajo iyo madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Labadaasi mas’uul ayaa kullankooda ahaa mid ay isku xog-wareysanayeen iyo sida macquulka ah ee loo dedejin lahaa xil-wareejinta, wuxuuna kullankaasi noqonayaa kii ugu horeeyay oo ay labadaasi mas’uul yeeshaan tan iyo markii ay soo idlaatay doorashadii madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, oo 15-kii bishaan ka dhacday Teendhada xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, labadaasi mas’uul ayaa la sheegayaa inay isku af-garteen in si deg-deg ah loo magacaabo guddi ka shaqeeya munaasabadda xil wareejinta oo lagu waddo inay todobaadka soo socdo dhacdo, taas oo uu hoggaamin doonno Aggaasimaha Madaxtooyada Maxamed C/llaahi Ciise.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in toddobaadka soo socda uu si rasmi ah xilka ugala wareego madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee, kullankaan ayaa qeyb ka ah kullamada joogtadda ah ee uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud magaalada Muqdisho kula yeelanayo madaxda iyo saraakiisha ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.